Waxaa Magaaladda Adis-Ababa ka qabsoomay kulan dhex maray guddiyo farsamo oo ka kala socday Wasaaradaha Qorshaynta ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya
Waxaa Magaaladda Adis-Ababa ka qabsoomay kulan dhex maray guddiyo farsamo oo ka kala socday Wasaaradaha Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta ee Itoobiya ayaa ahaa gogal xaadh sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Wada shaqayneed ee u dhaxeeya labada Wasaaaraddod.
Intii uu kulanku socdayna waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen arimaha horumarka ee labada dal, sida samaynta xidhiidh wada shaqayneed oo u dhexeeya labada dhinac,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, Isku duba ridka Mashaariicda Horumarineed, Iskaashiga Qorshayaasha Horumarineed ee mustaqbalka fog, Cilmi baadhista iyo Xog wadaaga.
Kulankan waxaa uu bilaw u noqon doonaa xidhiidhka iyo iskaashiga Caalamiga ee dhanka horumarka labada Wasaaradood oo qayb ka ahaa heshiiskii is fahan ee dhawaan dhex maray dalalka Somaliland iyo Itoobiya
Related Post
Jul 04, 2023
All about how the Somaliland Development Fund works and the projects it supports
Apr 22, 2024
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa kulan wadatashi la yeelatay ...
Apr 25, 2024
"Beesha Caalamka Waxaan u sheegaynaa in wixii caawimo ah ee Somaliland la siinay...
Jul 04, 2023
Details of all the SDF 2 Projects in English and Somali
May 12, 2024
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa gudoominayey shirka ...
Feb 19, 2024
Kulankii Koowaa ee Gudiga Qorshaha Qaranka (National Planning Commission) oo ka ...
Apr 23, 2024
All International Aid Donors
May 08, 2024
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Axmed Maxamed Diiriye ay...