Mashruuca Barwaaqo: Baanka Adduunka – Dowladda Somaliland

Qorshaha Horumainta Bulshada 2024—2028

Tuulada Weraarta, Degmada Cadaadlay ee Gobalka Maroodijex

 

Nidaamka Biyaha: Dhisida Dhaam Biyood Cusub .  

Barta Uu Kuyaalo: 70 km  Waqooyi bari  Hargaysa.  GPS: N: 9.6982  E: 43.6728

Tirada Bulshada: 2,500 households oo degaan ah

Tuulooyinka Hoos Yimaada: 8. 

Ilaha Dhaqaalaha Muhimka Ah: Xoolo Dhaqato Beeralay ( Geel, Lo,o,  Adhi, dameero iyo dhaqashada shinida). Falashada beeraha  roobka ku baxa iyo xaagsatotada
 

Aragtida Bulshada

Bulshada Guud:   In la helo bulsho isku tiirsan oo leh mustaqbal barwaaqo joogto ah leh, sidoo kale ay bulsgadu kawada qayb gasho, in la gaadho helitaanka biyo joogta ah sanadka oo dahan, jiritaanka adeegyo waxbarasho iyo caafimaad oo shaqaynaya, koruqaadista adeegyada waxsoosaarka beeraha, in la yareeyo carro guurka. In la arko dhoofinta khudaarta kala duwan oo kobcasa

Haweenka :  In ay arkaan degaanka oo helaya biyo joogta ah sanadkoo dhan, adeeg  cafimaadka iyo waxbarashada oo ay si fudud ugadhi karaan. Sidoo kale in la xoojiyo awooda, xirfadaha iyo adkaysiga  haweenka iyadoo la sinaayo taageerada lagama maarmaanka ah.   

Dhaliyarada Dumar ah:  In kor looqaado helitaanka biyo joogta ah, waxbarasho heerkeedu sareeyo, adeeg caafimaad oo dhamaystiran, kaabayasha dhaqalaha bulshada oo carsi ah, iyo in kor loo qaado wacyigalinta tacadiyada la xidhiidha jinsiga iyo la abuuro adeeg ay wada gaadhi karaan ahweenku.

Dhaliyarada Raga ah:  In ay arkaan dhalinyarada tuulda oo la horumariyay iyadoo la siiyay tobaro xifadaha farsmada gacanata iyo tobabarada kaleba, in aanay dhicin biyo yaraan sanadka oo dhan iyo in dhalainyaradu si xor ah ugu ciyaaraan garoomo kubada cagta ah oo casriya.  

Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah : In Arkaan degaanka weeraarta oo ah meel ay si firfircoon uga qayb qadan karaan dhamaan go,aamada bulshada, shirarka, anay gadhi karaan adeega caafimaad, adeega safarada iyo dhismayaasha kabayasha dhaqalaha laga dhigo kuwo ufudud isticmaalka dadka baahiya gaark ah qaba.

Arimaha Hortabinta U leh Bulshada

Maamulka Illaha Biyaha

  • Dhisida dhaam biyood cusub, taangiga kayd, nidaamka tamarta cadceeda, qasabada iyo dararka xoolaha, xaydaab siliga iyo qolka waardiyaha
  • Nidaamka qasabadaha sooqadaya oo qaybinaaya biyaha
  • Tobabarada gudiga maamulka biyaha

Xoolaha iyo Beeraha

Xoolaha

  • Bixinta adeega caafimaadka xoolaha
  • Koruqdista waxsoosaarka calafka xoolaha iyo farsamayntisa   
  • Nidaamka dib uxoolaynta qoyasaska
  • Taagerada xaga suuqgaynta canaha ee dumarka caanaha ka shaqaysta
  • Kor uqaadista  dhaqashada shinida iyo digaaga

Beeraha    

  • Helitaanka abuurka midhaha oo tayadisu aad u sarayso.
  • Maraaynta cayayaanada iyo xanuunada beeraha
  • In la siiyo tobabaro kor uqaadista waxsoosaarka beeraha
  • Qaybinta qarbadada lagu kaydsao biyaha roob, laguna waraabiyo beeraha

Degaanka

  • Tobobarada laxidhiidha maamulka khayraadka dabiiciga ah
  • Fulinta shaqooyin lagu ilaalinayo carrada iyo biyha
  • Dhirayn degaanka
  • In shaqo loo abuuro qoysaska ku tiirsan dhuxusha