
daah-furka Muddnaanaha Qorshaha Horumarinta Qaranka 2025–2027
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay Muddaanka Qorshaha Horumarinta Qaranka 2025–2027, oo hagaya jihada horumarineed ee dalka labada sano iyo badhka ee soo socda.Munaasibadda daahfurka, oo ka dhacday Magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Agaasimayaal Guud, Maareeyayaal ka socday hay’adaha dawladda, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, ururrada bulshada, iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn kulanka ku simaha Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Isku-duwidda ahna Ku-simaha Agaasimaha Waaxda, Md. Maxamed Ismaaciil Muxumed, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddada Muddaanka iyo muhiimaddiisa ku aaddan qorshaynta horumarineed ee dalka.
ntaas kaddib, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Md. Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa faahfaahin ka bixiyay natiijooyinka qiimeyntii lagu sameeyay labada sano iyo badhkii hore ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, gaar ahaan guulihii laga gaadhay hirgelinta qorshaha, horumarrada muuqda ee ka dhacay adeegyada bulshada, dhaqaalaha, iyo mashaariicda dawliga ah, iyo meelaha u baahan xoojinta si loo gaaro himilooyinka qaranka ee sannadaha soo socda.
Sidoo kale, xubno ka socday Golaha Xukuumadda ayaa ka hadlay doorka muhiimka ah ee Wasaaraduhu ku leeyihiin fulinta qorshaha, iyagoo caddeeyay sida Muddaanka Qorshuhu ugu muhiim u yahay qorsheynta iyo hufnaanta adeegyada dawladda.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay Muddaanka Qorshaha Horumarinta Qaranka 2025–2027. Wasiirku waxa ay xustay in dokumentigan uu saldhig u noqon doono jiheynta horumarka dalka, isla markaana uu muhiim u yahay isku duwidda qorsheyaasha dawladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo la-hawlgalayaasha horumarineed.
