Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa xafiiskeeda ku qaabishay wafdi sare oo ka socday hay’adda caalamiga ah ee MedAcross

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, oo uu weheliyo agaasimaha Guud Md Maxamed Siciid ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wafdi sare oo ka socday hay’adda caalamiga ah ee MedAcross oo uu hogaaminayey Madaxweynaha hay’adda, Dr. Daniele Regge oo ay weheliyaan Jessica Genove – Maareeyaha gobollada Afrika, Ambassador Mohamed Mohamud – Safiirka Somaliland ee Talyaaniga, Iyo Adpirached Apdisalam – Madaxa Xafiiska MedAcross ee Hargeysa.


Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo hay’adda MedAcross, si loo dhamaystiro heshiis is-afgarad (MoU) oo u gogol xaadhaya hirgelinta mashaariic caafimaad oo la jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP III), gaar ahaan tiirka la xidhiidha horumarinta adeegyada bulshada.
Intii uu kulanku socday, waxa la falanqeeyey fursadaha iskaashi ee la xidhiidha horumarinta adeegyada caafimaad iyo taageerada bulshada nugul, iyadoo lagu salaynayo Mudnaanaha qorshaha horumarinta qaranka iyo baahiyaha dhabta ah ee ka jira deeganada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa bogaadisay hawlaha ay hay’addu ka waddo qaaradda Afrika iyo sida ay uga go’an tahay inay ka taageeraan Somaliland dhinacyada la xidhiidha horumarinta caafimaadka. Dhankooda, masuuliyiinta MedAcross waxay muujiyeen diyaar garow iyo rajo weyn oo ay ka qabaan iskaashi waxtar leh oo labada dhinac u dhaxeeya.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay dadaalka Wasaaradda ee ku aaddan in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah ee daneeya horumarinta Somaliland, iyadoo mudnaanta la siinayo horumarinta caafimaadka, fayo-dhowrka iyo kobcinta nolosha bulshada nugul, taas oo ah tiir muhiim ah oo ka mid ah mudnaanta siyaasadda horumarineed ee qaranka.

Kulanku waxa uu kusoo dhammaaday is-afgarad xoojinaya sii wadista wada-tashiyada iyo dhammaystirka heshiiska is-afgarad ee labada dhinac oo si rasmi ah loogu dhamaystiri doono mustaqbalka dhow
MedAcross waa hay’ad samafal ah oo laga aasaasay dalka Talyaaniga sanadkii 2016, iyadoo ujeedadeedu tahay inay siiso adeegyo caafimaad oo degdeg ah bulshada aan haysan fursad ay ku helaan daryeel caafimaad oo aasaasi ah.