Agaasimaha Guud ee wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md.Mustafe Cumar Faarax oo maalmihii u dambeeyay halwo shaqo u joogay Gobolada Bariga Somaliland


 HALKAN KA DAAWO:   Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa Burco ka furay shir ku saabsan daadejinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad ee heer Gobol ilaa Degmo.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md.Mustafe Cumar Faarax oo maalmihii u dambeeyay halwo shaqo u joogay Gobolada Bariga Somaliland Ayaa soo kormeeray Xarunta Waaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Magaalada Burco.

Waxaanu Agaasimaha Guud oo u kuur galaya habsami socodka shaqada Xafiiska heer gobol ayaa halkaasi kulan kula qaatay Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Kala duwan ee ka hawl gala Xafiiska xurunta dhexe ee gobolka Togdheer ee Magaalada Burco.
Isuduwaha wasaaradda Qorshaynta ee gobolka Tog-dheer Daa'uud Max'ed Ibraahim iyo xubno kamida hawl wadeenada xarunta ayaa Agaasimaha Guud uga warbixiyay sida ay u socoto shaqada Xafiiska gobolku iyagoo sidoo kalena Agaasimaha uga mahadnaqay dar dar gelinta shaqada iyo booqashada uu ugu yimid.

Ugu Dambayana Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md.Mustafe Cumar faarax ayaa Shaqaalaha iyo Maamulka Wasaaradda ee gobolka Kula dardaarmay in qof kastaa u si xilkasnimo leh u guto waajibaadka shaqo ee qaranku ka sugayo isagoo uga Mahadnaqay sida ay usoo dhaweeyeen iyo warbixinihii ay ka siiyeen habsami u socodka shaqada Xafiiska Wasaaradda Qorshaynta ee Gobolka Togdheer.