Wasiir WQHQ ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay'adda UN-HABITAT Mr Ishaku Maitumbi iyo wafti uu hogaaminayo.

Hargaysa. 25-09-22: Wasiir WQHQ ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay'adda UN-HABITAT Mr Ishaku Maitumbi iyo wafti uu hogaaminayo.
Ujeedada kulankan ayaa ahayd is xog waraysi ku saabsan mashaaricaha hay'adda UN-HABITAT ay ka fuliso Somaliland ee ay ka midka yihiin Mashruuca Maamul daajinta ee dawladaha hoose (JPLG) iyo Mashruuca Biyaha Hargaysa.
Intii uu kulanku socday waxay layska xog waraystay guud ahaan mashaariicda ay fulinayo Haayada UNHABITAT iyo sidii loo waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aaad.
Intaasi kadib Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Ahmed Buhane ayaa war bixin guud ka siiyey waftiga Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo halka uu marayo,sidoo kale wasiirku waxaa uu faahfaahin ka bixiyey muhiimada ay siinayaan sidii guud ahaan mashaariicda horumarineed ee ay fulinaya Hay’adaha Qaramada Midoobay,kuwa Caalamiga iyo kuwa Maxaliga loogu jaan goyn lahaa baahiyaha aasaasiga ee ka jira wadanka isla loo waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka.
.