Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa gudoominayey shirka 3-biloodka ee ay ku kulmaan Gudiga Mashruuca Barwaaqo

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa gudoominayey shirka 3-biloodka ee ay ku kulmaan Gudiga ugu saraysa Mashruuca Barwaaqo oo ka kooban Wasiirada Wasaaradaha Fulinaya mashaariicda Barwaaqo.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa is xog waraysi ku saabsan mashruuca iyo sidii dib u eegis loogu samayn lahaa shaqooyinkii qabsoomay isla markaana loo dar dar gelin lahaa shaqooyinka qorshaysan .

Mashruuca Barwaaqo oo uu maagaliyo Baanka aduunku ayaa wuxuu xooga saarayaa arimaha Deegaanka, Biyaha iyo Wax soo saarka.

Kulanka oo mudo socday waxay masuuliyiinta gacanta ku haya mashuucu war bixin guud ka siiyeen masuuliyiinta, halka uu marayo mashruucu.
Masuuliyiinta ayaa dhankooda balan qaaday inay dar dar gelin doonaan hawlaha shaqo ee ku xidhan arimaha maamulka.