Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga siyaasadda, Arimaha dibada, Iskaashiga Caalamiga Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiilada

Hargeysa: 12-10-2022;-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga siyaasadda, Arimaha dibada, Iskaashiga Caalamiga Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiilada Jamhuriyada Somaliland.
Ujeedada kulanka ayaa ahayd isbarsho guud waxayna gudigu wasiirka ka waraysteen guud ahaan mashaariicda horumarineed ee Wadanka ka socda,Qorshaha Horumarinta iyo Halka uu marayo.
Intaasi kadib Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ahmed Buhane ayaa soo dhaweeyey Gudiga waxaana uu war bixin faah faahsan ka siiyey Hawlaha Shaqo ee Wasaaradda Xogaha kala duwan ee ay soo saarto Wasaaraddu sida xogaha dhaqaalaha Arimaha bulshada iyo sahano lagu eegayo xogta dhabta ee ay ku sugan yihiin Hooyada iyo Dhalaanka oo la rajaynayo in ay dhawaan wadanka ka qabsoomaan.
Sidoo kale Wasiirku waxaa uu faah faahin ka siiyey gudiga halka uu marayo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad oo hada gabo gabo ku dhaw.
Dhanka kale Wasiirku waxaa warbixin ka siiyey gudiga Mashaariicda horumarineed ee Wadanka ka socda iyo sida ay u waafaqayaan baahiyaha iyo mudnaanaha ku qoran qorshaha Horumarinta Qaranka,Wasiirku waxaa uu si gaara u xusay labda Mashruuc ee Biyoole iyo Xogta dhulka iyo Biyaha oo ay Maal galinayaan Baanka aduunka iyo Midawga Yurub.
Ugu dambayn waxay gudiga iyo Wasiirku isla qaateen inay sii xoojiyaan xidhiidhka u dhaxeeya labada dhinac.
Xafiiska xidhiidhka iyo Warbaahinta ee WQHQ,