Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dallada guud ee ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSOF)


Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dallada guud ee ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSOF)
Ujeedada guud kulankan ayaa ahayd isbarasho guud oo u dhaxaysa Wasiirka Cusub iyo Dallada guud ee ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSOF).
Intii uu kulanku socdayna waxay dalladu wasiirka ka codsadeen sidii dib u eegis loogu samayn lahaa xeerka ururada aan dawliga ahayn (NGO act), dib u habayn in lagu sameeyo hanaanka shahaado bixinta ururadda aan dawliga ahayn iyo sidoo kale in laga caawiyo Ururadda bulshada rayidka ahi sidii ay Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Qaramada midoobay uga heli lahaayeen mashaariicda ay bixinayaan.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa soo dhaweeyey Masuuliyiinta ka socday Dallada waxaana uu wasiirku ugu hambalyeeyey shaqada fiican ee ay u hayaan bulshada sidoo kalena waxaa uu wasiirku xaqiijiyey inay dib u eegis iyo kaabis ku samayn doonto Wasaaraddu qodabada kor ku xusan ee ay Dalladu codsatay.
Dhanka Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Isku duba ridka iyo diwaan gelinta ururada ee WQHQ.
Dhanka dallada Waxaa hogaaminayey gudoomiyaha guud ee ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSOF).
Xafiiska xidhiidhka iyo Warbaahinta ee WQHQ,