Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday wadamada qadhaanka ku taageera Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo u weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Wadamada Qadhaanka ku taageera Somaliland iyo Ururka Qaramada midoobay.

Ujeedada kulan ayaa ahayd sidii ay labada dhinac uga wada hadli lahaayeen Habraaca nidaamka mucaawimooyinka oo ay dhawaan soo saartay Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku.

Intii uu kulanku socday waxay laba dhinac kawada hadleen sida ugu haboon ee loo fulin lahaa habracaasi ay wasaaradu soo saartay.

Kulanka oo aha mid wakhti dheer qaatay waxa laga gaadhay Isfahan buuxa sidii looga wada shaqayn lahaa habraacasi isla markaana loo dhaqan galin lahaa.

Dhanka Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayey Agaasimaha Guud,Agaasimaha Waaxda Isku dubaridka,Lataliyaha Wasiirka,masuul ka socday Wasaarada Caafimadka.

Dhanka wadamada Qaadhan bixiyayaasha Waxaa kulanka u matalayey Haayadaha mucaawimooyinka u qaabilsan wadamada Ingiirska iyo Dheenmarik,dhanka Qaramada Midoobay waxa kulanka u mataliyey Hay’adda Un ocha