Waxaa Magaaladda Adis-Ababa ka qabsoomay kulan dhex maray guddiyo farsamo oo ka kala socday Wasaaradaha Qorshaynta ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya

Waxaa Magaaladda Adis-Ababa ka qabsoomay kulan dhex maray guddiyo farsamo oo ka kala socday Wasaaradaha Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta ee Itoobiya ayaa ahaa gogal xaadh sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Wada shaqayneed ee u dhaxeeya labada Wasaaaraddod.

Intii uu kulanku socdayna waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen arimaha horumarka ee labada dal, sida samaynta xidhiidh wada shaqayneed oo u dhexeeya labada dhinac,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, Isku duba ridka Mashaariicda Horumarineed, Iskaashiga Qorshayaasha Horumarineed ee mustaqbalka fog, Cilmi baadhista iyo Xog wadaaga.

Kulankan waxaa uu bilaw u noqon doonaa xidhiidhka iyo iskaashiga Caalamiga ee dhanka horumarka labada Wasaaradood oo qayb ka ahaa heshiiskii is fahan ee dhawaan dhex maray dalalka Somaliland iyo Itoobiya